Katiibada Cuqba bin Naafic oo kamid ah guutooyinka hoostaga faraca Alqaacida ee Maqribul Islaam ayaa howlgal guuleystay waxay ka fuliyeen wadanka Tuunis, kaas oo lagu dilay askar iyo saraakiil katirsan dowladda Tuunis.
Maalintii shalay oo Axad ahayd ayaa rag katirsan mujaahidiinta guutada Cuqaba bin Naafic waxay kamiin u dhigeen kolonyo ka kooban labo gaari oo noocyada gaashaman ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan ilaalada xuduudaha ee xukuumadda Tuunis.
Kamiinka ayaa lagu daah furay qaraxyo waaweyn oo dhulka lagu aaso, kuwaas oo lala eegtay labada gaari, waxaana markaas kadib ay Mujaahidiinta rasaasta nool nool la dheceen ciidamada ka bad-baaday qaraxyada.
War kooban oo ay soo saartay mu’assasada Al-Andalus waxay ku shaacisay in howlgalkaas ay Mujaahidiintu ku dileen 9 askari oo uu ku jiro sarkaal sare oo katirsan ciidamada xukuumadda Tuunis, waxaana xaaladiisa nololeed aad u liidata askari tobnaad oo ku dhaawacmey howlgalka.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay oo qaniimeystay hub iyo agab milliteri oo muhiim ah, 8 qori oo AK47 ah, bastoolad iyo qori Dhashiike ah ayay ciidamada Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen.
Majiro wax waxyeello ah oo gaartay ciidamada Mujaahidiinta, waxaana mu’assasada Al-Andalus ay shaacisay in mujaahidiinta iyagoo bad qaba oo qaanimiin ah ay kusoo laabteen xarumahoodii ay ka duulaan tageen.
Katiibada Cuqba bin Naafic ayaa shaaca ka qaaday iney sii wadi doonaan dagaallada iyo howlgallada jihaadiga ah ee lagu beegsanayo ciidamada iyo xubnaha xukuumadda reer galbeedku dhisteen ee cilmaaniga ah ee ka jirta wadanka Tuunis, waxayna mujaahidiintu ku hanjabeen iney u aargudi doonaan dhamaan shuhadada ay ciidamada Tuunis ku dileen xabsiyada sumcada daran ee ku yaala wadankaas.
Guutooyin milliteri oo jihaadi ah, kana tirsan Al-qaacidada Maqribul Islaam ayaa ka howgala dhulka buuralleyda ee Tuunis, waxayna marar badan fuliyeen howlgallo iyo camaliyaad lagu dhiig bixiyay ciidamada xukuumadda Tuunis.