HomeAll newsItoobiya oo beenisay in Imaaraatku kaalin ku lahaa heshiiska  ay la gaareen...

Itoobiya oo beenisay in Imaaraatku kaalin ku lahaa heshiiska  ay la gaareen Ereteriya.

Iyadoo dhawaan heshiis ay gaareen dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya kaas oo soo afjaraya colaada tobanaan sano oo xiriir ah u dhexeysay labada dal ayay dowladda Imaaraatku sheegtay iney kaalin ku lahayd arintaas.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha dibadda Anwar Qarqaash ayaa shaaca ka qaaday in Muxamed bin Zaayid uu kaalin weyn ku lahaa heshiiska ay gaareen Ereteriya iyo Imaaraatka.

Anwar ayaa sheegay in heshiiska labadaas dowladood ay faa’iido gaar ah ugu jirto Imaaraatka.

Sheegashada Imaaraatka waxaa durba beeniyay dowladda Itoobiya, Afhayeen u hadlay xukuumadda Adis-Ababa ayaa shaaca ka qaaday ineysan jirin gacan sadexaad oo kaalin ka geysatay heshiiska Ereteriya iyo Itoobiya.

Dhawaan ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu booqasho ku tagay magaalada Asma ee caasimadda Ereteriya, waxaana uu lasoo kulmay madaxweynaha dalkaas Siyas Afwerki, iyagoona gaaray heshiis dhowr qodob ka kooban oo colaada labada dal lagu soo afmeerayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular