Shariif Xasan Sheekh Aadan hogaamiyaha maamulka Koonfur-galbeed ee Xabashida gacan saarka dhow la leh ayaa rajo xumo ka muujiyay qaabka uu u socodo howlgallada Shisheeyuhu ku carqaladeeyaan deegaannada lagu maamulo ku dhaqanka shareecada islaamka ee Wilaayaadka islaamiga.
Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ka hor hadlayay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha baarlamaanka maamulkiisa ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ay ku guul dareysteen iney isku furaan wadooyinka isku xira magaalooyinka uu maamulkiisu maamulo.
Shariif ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ay ciidamo u tababareen maamulkiisa, balse aysan ku guuleysan iney isku furaan wadooyinka ay kamid tahay wadada Muqdisho iyo Baydhabo, wuxuuna mustaqbalka rajo ka muujiyay in arintaas ay ku guuleystaan.
Inta badan deegaannada wilaayaadka Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose oo uu maamulkan sheegto inuu ka dhisanyahay waxaa gacanta ku haya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo kusoo rogtay maamul islaami ah oo ku dhaqma shareecada Islaamka.