Warbixin ay soo saartay waxa loogu yeero hay’adda xuquuqul Insaanka ee “Human Rights Watch ayaa lagu soo bandhigay tacadiyo iyo gaboodfallo sanado badan ay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaatka Soomaalida ee Lyu Police-ka kula kacayeen dadka Muslimiinta eek u nool gobolka Soomaali galbeed.
Warbixintan oo ka kooban 88 page ayaa cinwaan looga dhigay “Tacadiyo ka jira xabsiga Soomaali-Galbeed” waxayna si qoto dheer kaga faalloonaysa xadugudbyo arxan darro ah oo isugu jira jirdil, kufsi, iyo ihaano kuwaas oo ay sii dheer tahay in maxaabiistu aysan helin daryeel caafimaad, cuno ku filan, iyo in aysan soo booqan karin eheladooda.
Waxaa tacaddiyadaasi qeyb ka ah ilaalada xabsiga oo ay ka mid yihiin ciidanka sida milateriga u tababaran ee loo yaqaano Liyu booliska sida ay warbixintu sheegtay.
Warbixintu waxay sheegtay in ciidamadan ay si toos ah u hoos tagan Cabdi Maxamuud Cumar oo loo yaqaano Cabdi Illey oo ah madaxweynaha maamulka ashahaada la dirirka ah ee ay halkaas ka yigleeshay Itoobiya.