HomeAll newsFaafaahin: Ciidamo aad u badan Oo lagu dilay Weerarkii Deegaanka Baarka.

Faafaahin: Ciidamo aad u badan Oo lagu dilay Weerarkii Deegaanka Baarka.

Waxyar kadib markii la tuktay salaadda subax, waxaa ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baarka duleedka magaalada Kismaayo.

Weerarka waxaa lagu daah furay camaliyad istish-haadi ah oo si weyn looga maqlay jugteeda meelo ka baxsan deegaanka Baarka, waxaana markaas kadib xerada u daatay ciidamada Mujaahidiinta.

Dagaal culus oo faraha looga gubtay ayaa ka dhacay goobta, kaas oo dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.

Dagaal muda socday kadib, waxay Mujaahidiintu ku guuleysteen iney cagta mariyaan saldhiga, lana wareegaan gebi ahaanba deegaanka iyo xarunta milliteri ee ay duulaanka ku qaadeen.

Maydadka ciidamo aad u farabadan oo katirsan maamulka Axmed Madoobe ayaa daadsan gudaha xerada, waxaana deegaanka weli ku sugan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan culus ee lagu laayay ciidamadii ku sugnaa deegaanka Baarka, waxaana dhanka kale weli aamusan oo aanu war kasoo bixin maamulka Jubbaland, kaas oo looga bartay inaanu xaqiiqda ka sheegin dagaallada ay la galaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhowr bilood kahor ayaa deegaankan waxaa si qasab ah Maraykanku ku keeneen malleeshiyaad soomaali ah oo iyagu si gaar ah u tababareen, waxaana loo sheegay inaaney soo baneyn karin difaacyada loo dhisay.

Tan iyo xilligaas, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta  Al-Shabaab ayaa weeraro qorsheysan ku qaadayay deegaankan, waxaana mid kamid ah howlgallada ka dhacay Baarka lagu dilay askari Ameerikaan ah, iyadoona kuwa kale lagu dhaawacay.

Shisheeyaha ayaa ku dadaalaya in la helo malleeshiyaad soomaali ah oo hor istaagi kara ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana muuqaneysa in qorshahaas uu fashilmey, maadaama Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dhowr jeer ay soo afjartay ciidamadaas, sidaba ka dhacday Bariire, Beled-xaawo, Buula-Guduud, iyo meelo kale, maantana waxaa ugu dambeysay deegaanka Baarka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular