HomeAll newsDowladda Urdun Oo ballanqaaday iney fureyso Xuduuda ay la wadaagto Suuriya.

Dowladda Urdun Oo ballanqaaday iney fureyso Xuduuda ay la wadaagto Suuriya.

Iyadoo dowladda Urdun ay horay u sheegtay iney gebi ahaanba xirtay xuduud beenaatka ay la wadaagto dalka Suuriya ayaa hadda waxay muujisay iney isku dayayso iney furto xuduuda.

Afhayeenad u hadashey dowladda Urdun oo lagu magacaabo Jumaana Quneymaat ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo Arbaco ah ay furi doonaan saddexda marin ee la isaga gudbo xuduuda Urdun iyo Suuriya.

Furitaanka Xuduuda waxay sheegtay xukuumadda Urdun in ujeedkiisu yahay keliya in gargaarka banii aadamnimo uu gaaro dadka kasoo barakacay dagaallada iyo duqeymaha ka socoda koonfurta Suuriya ee jooga xuduud beenaatka Urdun iyo Suuriya.

Afhayeenada u hadashey Urdun waxay shaaca ka qaaday in sii furnaanshaha marinada saddexda ah ay ku xirantahay isbedellada koonfurta Suuriya ka yimaada, waxaana muuqata in dowladda Urdun weli aysan si buuxda ugu qanacsaneyn furitaanka xuduud beenaatka.

Furitaanka Xuduuda ayaa yimid kagadaal markii Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay uu ka codsaday Urdun iney furto xuduuda, si kaalmooyinka iyo gurmadka banii aadamnimo loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan.

Dhanka kale waxaa dib u furmay wadahadallo u dhexeeya mucaaradka Suuriya ee ka dagaallamaya Koonfurta dalkaas iyo dowladda Ruushka, wadahadalladaas oo maalmihii lasoo dhaafay lagu kala tagay.

Dowladda Urdun ayaa dhex-dhexaadiye ka ah wadahadallada Mucaaradka iyo Ruushka, waxaana wafdi ka socoda Mucaaradka uu joogaa wadankaasi Urdun.

Duqeymaha iyo dagaallada ayaa weli ka socoda magaalooyin kala duwan oo katirsan gobolka Darcaa, waxaana dadka barakacay cadadooda lagu qiyaasayaa inkabadan 300 oo kun oo ruux.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular