HomeAll newsDowladda Federaalka Oo sheegatay iney soo Gebe-gebeysay Weerarkii Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha.

Dowladda Federaalka Oo sheegatay iney soo Gebe-gebeysay Weerarkii Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha.

Saraakiisha amaanka ee dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday iney soo gebe-gebeeyeen weerarkii dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen xarunta wasaaradaha Amniga iyo arimaha gudaha ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo weli wax war ah kasoo bixin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku aadan faafaahin la xiriirta weerarka, hadana waxay dowladda sheeganeysaa iney soo afmeertay weerarka, balse dadka magaalada Muqdisho waxay sheegayaan iney maqlayaan rasaas teel teel ah.

Dhamaan wadooyinka soo gala dhismaha Xarunta wasaaradaha Amniga iyo Gudaha ayaa xiran, waxaana kamid ah wadooyinka xiran jidka halbowlaha ah ee Makka Al-mukarama.

Warbaagubta qaar ayaa sheegeysa in weerarka lagu qaaday dhismahan labada wasaaradood ee muhiimka u ah dowladda ay ku dhinteen toban ruux, halka kudhawaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay ku jira saraakiil iyo agaasimayaal wasaaradeed oo goobta joogay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular