Waxaa dalka Pakistaan mudooyinkii lasoo dhaafay ka socoday doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka federaalka iyo kuwa maamullada gobollada Bungaab, Sindi,kheybar iyo Balooshistaan.
Doorashooyinkan waxaa ku tartamaya 12kun oo xubnood, kuwaas oo doonaya iney ku fadhiistaan 949 kursi oo 342 kamid ah ay yihiin kuraasta baarlamaanka federaalka Pakistaan.
Waxaa la filayaa inuusan xisbi gaar ah ku guuleysan kuraasta ugu badan ee baarlamaanka, taas oo sii dheereyn karta waqtiga lagu soo dhisi karo dowlad.
Qaar kamid ah axsaabta siyaasadda ee ka qeybgalaya taratanka doorashooyinka ayaa sheegay iney jiraan isdabarin iyo musuq maasuq ay ku lug leeyihiin ciidamada milliteriga.