HomeAll newsDilal ka dhacay magaalada Cadan ee koonfurta wadanka Yaman.

Dilal ka dhacay magaalada Cadan ee koonfurta wadanka Yaman.

Saacadihii lasoo dhaafayay dilal ayaa ka dhacay magaalada Cadan oo ah xarunta kumeel gaarka ee dowladda Cabdi-rabbi uu hogaamiyo, waxaana dilalkaas loo geystay shakhsiyaad kala duwan.

Koox hubeysan ayaa rasaas ku furtay mas’uul katirsan xisbiga Al-Islaax oo kamid ah axsaabta siyaasadeed ee ka jirta wadanka Yaman.

Saadaq Axmed ayaa isagoo ku sugan degmada Al-qaluuca ee gobolka Cadan waxaa toogtay koox hubeysan, oo loo maleyayo iney katirsan yihiin malleeshiyaadka Xizaamul amniga ee hoostaga Imaaraadka.

War kasoo baxay Xisbiga Al-Islaax oo lagu baahiyay barta ay ku leeyihiin Internetka ayaa lagu xaqiijiyay dilka Saadaq, waxayna sheegeen iney aad uga xunyihiin dilka loo geystay mid kamid ah hogaamiyaasha xisbiga.

Xisbiga ayaa ku hanjabay iney xeerka iyo qaanuunka la hiigsan doonaan cid weliba oo ay cadaato iney qeyb ka ahayd dilka Saadaq Axmed.

Waxaa sidoo kale magaalada Cadan lagu dilay labo ruux oo kale, kuwaas oo aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee loo dilay.

Magaalada Cadan oo uu ku suganyahay madaxweynaha Yaman Cabdi-rabbi Haadi Mansuur ayaa marar kala duwan waxaa ka dhacay dilal qorsheysan, oo badankood la ogeyn cida geysaneysa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular