Qeybo kamid ah wadanka Maraykanka waxaa ku dhuftay dab xoogan, kaas oo cagta mariyay magaalooyin iyo dhul beereed muhiim u ahaa dhaqaalaha shacabka Maraykanka.
Gobolka California oo kamid ah gobollada ugu weyn wadanka Maraykanka ayaa waxaa ku dhuftay dab xoogan oo dabeylo wata, kaas oo geystay khasaare nafeed iyo mid hanti intuba.
Sida ay sheegayaan kooxaha dab damiska, waxaa geeriyooday ugu yaraan 2 ruux oo kamid ahaa shaqaalaha gurmadka, waxaana basbeelay dhul qiyaastii la eg 118,000 oo hecktar.
Waxaa sidoo kale burburay guryo gaaraya ugu yaraan 500, kuwaas oo dadkii deganaa ay hooy la’aan ku yihiin wadooyinka iyo xaafadaha gobolka California.
Dabkan xoogan ee dabeylaha wata ayaa marba marka kasii dambeysa sii fidaya, wuxuuna kusii wajahanyahay galbeedka gobolka, halkaas oo ay deganyihiin mujtamac aad u badan oo Ameerikaan ah.
Jerry Brown oo ah gudoomiyaha gobolka California ayaa dowladda dhexe wuxuu ka codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro gobolkiisa oo ay ku dhutay musiibo rabaani ah.
Waxay xaaladoodu liidataa ugu yaraan 30,000 oo ruux kuwaas oo guryahooda ka barakacay, waxayna u baahanyihiin cunto iyo biyo nadiif ah, balse hay’adaha gurmadka Maraykanka ayaa u muuqda kuwa aan ajiibi Karin baahida dadka Ameerikaanka ah.
Waxaa ugu wacan arintaas in canshuurta ugu badan ee laga qaado muwaadiniinta Ameerikaanka ay dowladda Maraykanka ku bixiso miisaaniyadda dagaalka caalamiga ah ee ay kula jirto muslimiinta.
Scott McLean oo u hadlay maamulka gobolka California ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Police-ka iyo kooxaha badbaadada ay wadaan howlgallo lagu badbaadinayo dadka ku go’doonsan xaafadaha iyo keymaha uu dabku sida daran uga socodo.