
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan Siinka-dheer iyo Calamada oo kamid ah deegaannada dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Dagaallada oo ah kuwa culus, islamarkaana rasaasta la isku adeegsanayo laga maqlayo deegaanno kabaxsan goobta dagaalka ayaa billowday goordhow.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sida muuqata waxay si wanaagsan usoo qorsheeyeen weerarkan, waxaana ciidamada dowladda lagu kediyay rasaasta.
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gaaf wareegay duleedyada magaalada Muqdisho, waxaana baqdin ay soo wajahday ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiintooda.