HomeAll newsCiidamada Kenya ee Ku sugan Gedo Oo Ceejo Ku dilay Labo ruux.(Dhagayso)

Ciidamada Kenya ee Ku sugan Gedo Oo Ceejo Ku dilay Labo ruux.(Dhagayso)

Dhaxdo naxdin leh ayay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya ka geysteen qeybo kamid ah Wilaayada islaamiga ee Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa gubay, dabna qabadsiiyay xarunta Shirkadda Isgaarsiinta  Hormuud ay ku leedahay inta u dhexeysa Dhamase iyo Ceel-waaq, waxayna halkaas ku dileen labo ruux oo muslimiin ah.

Labada Ruux laguma dilin wax rasaas ah balse waa la ceejiyay, waana arin la yaab leh oo muujineysa cadaawada Kenyaatigu u qabaan umadda Soomaaliyeed.

Labada ruux ee ceejada lagu dilay waxay ku dhex gubeen dhismaha xarunta shirkadda Hormuud ee ay dabka qabadsiiyeen.

Dadka deegaanka ayaa la yaabay arintan waxayna ka muujiyeen caro xoogan, iyagoona ku hanjabay iney ka aargudan doonaan Kenyaatiga.

Suldaan Ibraahim oo kamid ah waxgaradka wilaayada islaamiga ee Gedo oo waraysi siiyay Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan ayaa ka sheekayay qaabka ay u dhacday falkan argagaxa badan ee ay ku kaceen ciidamada Kenyaatiga.

Halkan ka dhagayso Waraysiga Al-Furqaan ay la yeelatay Suldaan Ibraahim oo kamid ah Nabadoona Gobolka Gedo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular