HomeAll newsCiidamada Dowladda Oo qof Shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Oo qof Shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho.

Xaafadda Suuqa-Xoolaha ee degmada Huriwaa waxaa ka dhacay fal dil ah oo ay geysteen ciidamo katirsan dowladda federaalka.

Ciidamada dowladda ayaa rasaas ay ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa xaafadda Suuqa-xoolaha waxay ku dileen hal ruux, halka ay ku dhaawaceen mid kale.

Dadka Xaafadda Suuqa-xoolaha ayaa hadda dhigaya banaanbax ay uga soo horjeedaan ciidamada dowladda ee dilka geystay.

Banaanbaxa ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga, waxaana reer Suuqa-xoolaha ay marar badan la kulmeen falal xadgudub ah oo ay geysanayaan ciidamada dowladda.

(Alprazolam)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular