HomeAll newsCiidamada Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Istiraatiiji ah Oo Gedo katirsan.

Ciidamada Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Istiraatiiji ah Oo Gedo katirsan.

Waa ciidamo katirsan Mujaahidiinta.

Wararka ka imaanaya wilaayada islaamiga ee Gedo  ayaa tibaaxaya in ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegeen deegaan muhiim ah oo dhaca gobolkaas.

Deegaan lagu magaacaabo Saateelow oo u dhexeeya degmooyinka Doolow iyo Luuq ee gobolka Gedo ayay ciidamada Mujaahidiinta la wareegeen gelinkii dambe ee shalay.

Ciidamada Axmaaro kalkaalka ah ee joogay deegaanka ayaa ka cararay goobta kahor inta aysan soo gaarin ciidamada Mujaahidiinta, waxayna ka baqeen iney la kulmaan xasuuq uga yimaada ciidamada Mujaahidiinta.

Saraakiil horboodeysay ciidamada Mujaahidiinta ee la wareegay deegaanka Saateelow ayaa dadka kula hadlay fagaarayaasha, waxayna u jeediyeen muxaadaraad diini ah, iyadooona dadku ka hadleen dhibaatooyinka ay ku qabeen malleeshiyaadka goobta laga eryay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular