Ciidamo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay weerar culus ku qaaday deegaanka Qalimow oo kamid ah deegaannada hoosyimaada magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha-dhexe.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa jihooyin kala duwan ka weeraray ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa deegaanka Qalimow, kuwaas oo goobta ay u tiillay isbaaro ay ku baadayeen dadka shacabka ah.
Dagaalka oo in muda ah socday ayay ciidamada Mujaahidiinta ugu suuragashey iney la wareegaan deegaanka iyo goob isbaarro ah, waxaana goobta ay ka taageen Raayada Towxiidka.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goobta ka qaatay hub iyo rasaas farabadan, waxaana dagaalka khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda, iyadoona la arkay meydka labo askari.
Deegaanka Qalimow ayaa 30km wuqooyi kaga beegan magaalada Balcad ee Shabeellaha-dhexe, waxaana horey u dhacday in deegaankan ay dagaal kula wareegeen ciidamada Mujaahidiinta.