Iyadoo booqasho rasmi ah uu dalka Ingiriiska ku joogo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waxaa dalkaas ka dhacay banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo shakhsiyadiisa iyo siyaasadda uu wato.
Kumanaan ruux oo muwaadiniin Ingiriis ah oo wata boorar ay ku xardhanyihiin hadallo ka dhan ah Trump ayaa isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee London.
Muwaadiniinta Ingiriiska ayaa ku dhawaaqayo hadallo jees jees ku ah Trump, waxayna sheegeen in Trump uusan ahayn qof laga jecelyahay wadanka Ingiriiska, islamarkaan dowladda Ingiriiska aysan wanaagsaneyn iney soo dhaweyso.
Boombalo loo ekaysiiyay Trump oo careysan ayaa heehaabaya hawada magaalada London, waxayna dadka muujinayaan in Trump uu yahay qof cunsuri ah islamarkaana u qalmin madaxweyne.
Safaaradda Maraykanka ee dalka Ingiriiska ayaa muwaadiniinta Ameerikaanka waxay ku waanisay iney ku ekaadaan guryaha iyo goobahooda shaqada, inta ay socdaan bananabaxyada looga soo horjeedo madaxweynahooda Trump.
Dowladda Ingiriiska ayaa waxba kasoo qaadin banaanbaxyada dhacay, waxayna soo dhaweyn usoo sameysay Donald Trump, kaas oo la kulmay boqoradda dalka Ingiriiska iyo ra’iisul wasaaraha wadankaas Trezy May.
Labada dal ayaa kawada hadlaya masaalixda iyo danaha wadajirka ah ee ay leeyihiin oo ay kamid tahay duulaannada ay ku hayaan wadamada caalamka islaamka.