HomeAll newsBaadari katirsan Kaniisadda Orthodoxiska oo lagu dilay wadanka Masar.

Baadari katirsan Kaniisadda Orthodoxiska oo lagu dilay wadanka Masar.

Waxaa aroornimadii hore ee maanta oo isniin ah gudaha kaniisadiisa isagoo mayd ah lagu arkay mid kamid ah baaderiyaasha Nasaarada wadanka Masar.

Bayaan kasoo baxay Kaniisadda Orthodoxiska dalka Masar ayaa lagu sheegay in gudaha qolka uu ka deganyahay kaniisadiisa isagoo meyd ah lagu arkay baaderiga Ivaniyos oo kamid ah baaderiyaasha Nasaarada Masar.

Kaniisadda lagu dhex arkay meydka baaderiga ayaa ku taalla magaalada Waadi-Nadruun ee dhacda wuqooyiga Masar, islamarkaana hoostagta gobolka Al-buxeyra.

Waxaa socoda baaritaanno ay wadaan laamaha Amaanka iyo Police-ka oo lagu wargeliyay dhacdadan, iyadoona la sheegayo in loo badinayo in baadirga la dilay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular