Wararka ka imaanaya dalka Afqaanistaan ayaa xaqiijinaya in mid kamid ah ciidamada xukuumadda Kaabul uu weerar ku qaaday askar katirsan ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga wadanka Afqaanistaan.
Askarigan Afqaaniga ah ayaa weeraray ciidamo Maraykan ah oo ay isku goob joogeen, waxaana uu goobta ka geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay ciidamada Maraykanka.
Ugu yaraan hal Askari oo Ameerikaan ah ayaa dhintay, labo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray, kadib markii Askarigan katirsan xukuumadda Kaabul uu rasaas la dhacay ciidamada Maraykanka oo joogay garoonka Tarinkoot ee gobolka Arozqaan ee koonfurta wadanka Afqaanistaan.
War kasoo baxay Naato ayaa lagu xaqiijiyay weerarka iyo khasaaraha uu dhaliyay, waxayna sheegeen iney wadaan baaritaanno la xiriira waxa dhacay.
Marar badan ayaa ciidamo katirsan Xukuumadda Kaabul oo ka xumaada dhibaatada Shisheeyuhu ka geysanayaan wadanka Afqaanistaan waxay dilaan ciidamada shisheeyaha ee ay isku dhufeyska ku jiraan.
Qaar kamid ah ciidamadaas ayaana si hoose ula soo xiriira Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, iyadoona la siiyo towjiihaad ku aadan qaabka ay u fulinayaan weerarka.