HomeAll newsAskari katirsan ciidamada Maamulka Aala-Sucuud Oo lagu dilay Weerar ka dhacay Dhulka...

Askari katirsan ciidamada Maamulka Aala-Sucuud Oo lagu dilay Weerar ka dhacay Dhulka Xarameynka.

Bartamaha dhulka  Xarameynka waxaa ka dhacay weerar hubeysan oo lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka Aala-Sucuud.

Weerarka oo ahaa kamiin jidgal ah ayaa lala  eegtay ciidamo katirsan Amaanka maamulka Aala-Sucuud, oo marayay gobolka Al-Qasiim ee dhaca bartamaha dhulka Xarameynka ee uu ka taliyo maamulka Aala-Sucuud.

Ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay weerarka, waxaana waxyeello ay soo gaartay gaariga ay rasaaseeyeen ragga weerarka fuliyay.

Afhayeen u hadlay laamaha Amaanka ee maamulka Aala-Sucuud ayaa shaaca ka qaaday in labo kamid ah ragga weerarka soo qaaday ay dileen ciidamada amaanka, halka mid sadexaadna uu dhaawacmay, sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka u hadlay ciidamada Amaanka.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, balse maamulka Aala-Sucuud wuxuu weerarka ciidamadiisa la kulmay ku tilmaamay mid argagaxiso.

Horay ayay u dheceen weeraro noocan oo kale ah oo lala eegtay ciidamada Amaanka xilliyada ay roondooyinka sameynayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular