HomeAll newsArday Soomaali ah Oo lagu xiray Turkiga.

Arday Soomaali ah Oo lagu xiray Turkiga.

Ciidamada Amaanka wadanka Turkiga ayaa xabsiga dhigay Arday kamid ah Soomaalida wax ka barta wadankaas.

Ardayda Xabsiga loo taxaabay waxay gaarayaan illaa iyo toban arday, waxaana laga qab-qabtay magaalada Mersin oo kamid ah wadanka Turkiga.

Sida ay sheegayaan qaar kamid ah Soomaalida joogta Turkiga, waxaa Ardeyda la xiray lagu tuhunsanyahay iney xiriir la lahaayeen Fathu-llahi Golan oo lagu eedayay inuu ka dambeeyay afgembigii fashilmay ee sanadkii 20166-ka  ka dhacay wadanka Turkiga, kaas oo lagu doonayay in talada looga qaado Rajab Dhayib Ordogan.

Tirada Ardayda xabsiga loo taxaabay waxay gaarayaan illaa iyo 10 arday, saddex kamid ah ayaa xurriyadooda dib u helay, todobo kale ayaana weli xiran.

Mid kamid ah Jaaliyadda Soomaalida ee wadanka Turkiga ayaa sheegay in ardeydan ay kirada guryaha ay deganyihiin ay ka bixin jireen kooxda Fathullaahi Golan, taasna ay shaki badan keentay.

Weli ma jirto maxkamad lasoo taagay Ardeydan, iyo weliba mas’uuliyiin katirsan Turkiga oo ka hadlay tallaabada lagu xiray Ardeydaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular