Cabdi-caziiz Xildhibaan oo ahaa Afhayeenkii wasaaradda Amniga ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga tagay shaqadii uu ku hayay Wasaaradda Amniga ee dowladda federaalka oo dhawaan xaruntii ay degneyd lagu qaaday weerar xoogan oo ay fuliyeen Istish-haadiyiin iyo Inqimaasiyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Xildhibaan ayaa madaxda dowladda ku eedayay khiyaano qaran, iyo ineysan gudan karin howlaha loo magacaabay, wuxuuna ugu baaqay iney is casilaan.
Cabdi-Caziiz Xildhibaan ayaa dhawaan khudbad uu jeediyay maalmo kadib weerarkii wasaaradaha Amniga iyo Gudaha wuxuu weerar afka ah ku qaaday saraakiisha dowladda federaalka, isagoona is waydiiyay sida rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay uga soo gudbeen kontoroollada yaala wadooyinka Muqdisho, kuna yimaadeen xarunta Wasaaradaha.
Dowladda Federaalka ayaa weerarkii wasaaradaha waxaa looga dilay saraakiil iyo xubno muhiim u ahaa oo gaaraya 35 ruux, waxaana markaas kadib xabsiyada la dhigay ugu yaraan 16 sarkaal oo lagu eedayay iney gaabis la yimaadeen.