HomeAll newsAbuu Muscab: Inkabadan 20 ayaan ku dilany Weerarkii Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha.(Dhagayso)

Abuu Muscab: Inkabadan 20 ayaan ku dilany Weerarkii Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha.(Dhagayso)

Sh.Abuu Muscab Oo la hadlaya Warbaahinta.

Sheekh Cabdul Caziiz Abuu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay Warbaahinta wuxuu kaga hadlay howlgallo ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta oo uu ku jiro weerarkii Nafhurnimada iyo Inqimaasiga ahaa ee maanta lagu qaaday  xarunta Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha.

Abuu Muscab waxaa uu shaaca ka qaaday in istish-haadi katirsan Mujaahidiinta uu howlgalka ku daah furay camaliyad Nafhurnimo, kadibna ay ciidamo Inqimaasiyiin ah gudaha u galeen xarunta wasaaradaha, kuwaas oo la dagaallamay  ciidamadii goobta joogay iyo kuwii soo gurmaday.

Afhayeenka Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sheegay in Allaah uu u fududeeyay iney si nabad ku gaaraan hadafkooda, islamarkaana aysan jirin wax caqabad ah oo ay Mujaahidiintu la kulmeen.

Ugu yaraan 20 ruux ayuu Sheekh Abuu Muscab sheegay iney ku dileen howlgalkan, halka tiro intaas kabadanna ay ku dhaawaceen, kuwaas oo ahaa xubno iyo saraakiil katirsan dowladda federaalka.

Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab ayaa ku hanjabay in wado kasta oo Muqdisho kamid ah haddii ay xirto dowladda ay iyagu awoodi doonaan iney weeraraan hadafka ay doonayaan, waxaana uu sheegay in xiritaanka wadooyinka ay tahay keliya mid lagu tacdiibinayo shacabka Soomaaliyeed.

Gebe-gebada shirkiisa jaraa’id wuxuu Sheekhu soo hadal qaaday weeraro ka dhacay gudaha dhulka Kenya ay gumeysato iyo Wilaayada Islaamiga ee Shabeellaha hoose, isagoona dhanka kale farriin muhiim ah u diray Umadda Soomaaliyeed.

Halkan ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Sheekh Abuu Muscab kaga hadlay Weerarkii Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha ee magaalada Muqdisho.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular