HomeAll newsDhagayso:Mu’assasada Al-Xikma iyo waxyaabaha lagu barto.(Sawirro Soo Jiidasho Leh)

Dhagayso:Mu’assasada Al-Xikma iyo waxyaabaha lagu barto.(Sawirro Soo Jiidasho Leh)

Magaalada Jilib ee gobalka Jubada-dhexe waxaa ku yaal xarumo waxbarasho oo kala duwan kuwaasoo bulshada ku dhaqan ay aad uga faa’iideystaan.

Mu’assasada Al-Xikma oo ku taal magaalada Jilib dhawaan waxaa ka dhacday munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimahay taasoo Ardaydu kusoo bandhigayeen qayb ka mid ah waxyaabaha ay bartaan.

Maamulaha xarunta oo la yiraahdo Abuubakar ayaa xafladda ka shegay in mu’assasada  lagu barto xifdinta  Qur’aanka kariimka ah caruur iyo dad waaweyn intaba, culuumta shareecada sida Tafsiirka iyo Axaadiithta, Fiqiga iyo Siirada iyo wixii la mid ah, luuqadda carabiga, caafimkaadka gaar ahaan gar gaarka deg dega ah, harqaanka iyo cunto karinta.

Daruustaan kala duwan ee mu’assasada lagu dhigo waxaa ka faa’iideysta ragga iyo dumarka waxayna xafladda ka soo qayb galeen iyaga oo faraxsan.

Waxyaabihii Munaasbadda lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa Raashin si heer sareysa loo kariyay oo ay ku jirto cuntada dalka taasoo loo farsameeyay qaab ka duwan sidii markii hore lagu yaqiin.

Sidoo kale dumarka ayaa la arkayay iyagoo harqaan tolaya waxayna sheegeen in ay doonayaan in ay ka maarmaan in raggu dharka u tolo.

Halkan ka dhagayso Warbixin Idaacadda Al-Furqaan ay ka diyaarisay Mu’assasada Al-Xikma.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular