
Sheekh Cabdul-Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shir jaraa’id waxa uu ku faafaahiyay dagaal dhawaan ka dhacay degmada Wajeer, kaas oo lagu dilay ciidamo badan oo Kenyaati ah.
Kamiinkan waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kutulow, waxaana loo dhigay ciidamo kenyaan roondo sameynayay.
Abuu Muscab waxa uu sheegay in qarax lala kiciyay mid kamid ah gawaarida ciidamada Kenya, wixii halkaas ka badbaadana ay Mujaahidiintu rasaas nool nool la dheceen.
Dhowr iyo toban Askari ayuu Sheekh Abuu Muscab sheegay inay ku dileen dagaalkaas.
Dhanka kale Sheekhu wuxuu mahadcelin iyo bogaadin gaar ah u jeediyay guutada ka howlgasha dhulka Kenya ee katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay iney sii wadaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada Kenya.
Halkan ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Sh.Abu Muscab oo ka hadlay Weerarkii WAJEER