Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo gunaanad u ahayd duruustii sannadkan ka baxaysay machadka Qurdhuba ayaa todobaadkan ka dhacday gobolka Sh/hoose.
Qurdhuba oo ah machad faracyo badan ku leh wilaayaadka islaamiga ah, kana tilmaanan macaahidda kale marka loo eego tayada macallimiinta iyo manhajkiisa, ayaa munaasabaddan ku marti qaaday marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin mas’uuliyiin, culimo, waalidiin iyo qeybaha kale ee bulshada.
Intii ay socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay riwaayad qiimo badan oo ka hadleysay muhiimadda wax barashada iyo dhibaatada ay leedahay tarbiyo xumada caruurta iyo wax barasho la’aanta.
Sidoo kale, mas’uuliyiin uu kamid yahay waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, Sh/Abuu Usaama ayaa ardayda usoo jeediyay iney ku dadaalaan wax barashada.
Culimo, arday iyo dad kale oo waalidiin ah ayaa iyaguna soo bandhigay dardaaranno iyo kalimado dhaxal gal ah oo taabanaya nolosha dhan kasta.
Intaa waxa dheer in dad weynuhu iyaguna kaalin ku lahaayeen xafladda. Waxaa la dhex dhigayay su’aalo aqoon guud ah oo u badan dhaqanka Soomaaliya, iyadoo qofkii ka jawaabaya la siinayay abaal marin.
Ugu dambeyntii waxaa halkan abaal marinno lagu gudoonsiiyay ardaydii gala kaalimaha hore oo isugu jira wiilal iyo hablo intaba.