HomeAll newsSanadkii Labaad…Maamulka Aala-Sucuud oo Muslimiinta Qadar ka hortaagan booqashada Kacbada Sharafta badan.

Sanadkii Labaad…Maamulka Aala-Sucuud oo Muslimiinta Qadar ka hortaagan booqashada Kacbada Sharafta badan.

Tan iyo markii uu khilaafaatka soo kala dhexgalay dowladda Qadar iyo maamulka Aala-Sucuud oo horboodaya dhowr dowladood oo carab ah ayaa dadka ugu badan ee khilaafkaas uu saameeyay waxay noqdeen shacabka muslimka ah ee wadanka Qadar.

Maamulka Aala-Sucuud oo gacanta ku haya islamarkaana maamula Kacbada ayaa gebi ahaanba is hortaagay in shacabka muslimka ah ee Qadar uu soo booqdo kacbada, si ay gutaan cumarada oo inta badan bisha Ramadaan ay dadku soo cumreystaan iyo sidoo kale waajibaatka Xajka.

Marinka Salwa oo ah marinka keliya ee dhanka dhulka ah oo isku xira Qadar iyo Xarameynka ayaa gebi ahaanba xiran, mana jiro wax dhaq-dhaqaaq ah oo ka jira sanadkii labaad oo xiriir ah.

Go’doonka lagu soo rogay Qadar oo ah badda, cirka iyo dhulka intuba ayaa keenay saameyn badan oo muuqata, waxaana dhaqan xumada maamulka Aala-Sucuud iyo akhlaaq darada Ibnu Salmaan ay keentay iney ku gorgortamaan ama khilaafaat siyaasadeed darteed ay isku hortaagaan malaayiin shucuub muslimiin ah oo gudan lahaa waajibaatka Xajka.

Waxaa jira dad waayeello ah oo inta aaney geeriyoon jeclaan lahaa iney noloshooda kusoo khatimaan booqashada Kacbada sharafta leh, balse nasiib darro siyaasiyiin wax ma dhowrsadayaal ah ayaa hamigoodii is hortaagay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular