HomeAll newsQisaas Ka dhacday Fagaare ku yaala gobolka Hiiraan.(Dhagayso Qaadiga)

Qisaas Ka dhacday Fagaare ku yaala gobolka Hiiraan.(Dhagayso Qaadiga)

Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Wilaayada Hiiraan ayaa fulisya xukun qisaas ah, oo lagu fuliyay gacan ku dhiigle qeybo kamid ah gobolkaas ku dilay qof kale.

Xuseen Xassan oo ah gacan ku dhiiglaha ayaa tooray ku dilay nin lagu magacaabo Cismaan Faray Calasow, waxaana ninkan eheladdiisu dacwad usoo gubiyeen maxkamadda islaamiga ee Hiiraan.

Xuseen oo qirtay inuu gaystay dilka sharci darrada ah ayaa ehellada waxaa la dooransiiyay iney iska cafiyaan, iney diyo ka qaataan, iyo iney dishaan, waxaana ay ku qanceen qodobka dambe oo ah iney dishaan.

Dad aad u farabadan ayaa isugu soo baxay fagaaraha lagu toogtay Xuseen, waxaana dadku ahaayeen kuwa ku faraxsan xukunka sharciga islaamka waafaqsan ee lagu fuliyay Gacankudhiigle.

Halkan ka dhagayso mid kamid ah Qudaada Wilaayada Hiiraan oo ku dhawaaqay Xukunka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular