HomeAll newsQaraxyo Mataano ah Oo lagu laayay Ciidamo katirsan PS-ta Dowladda Oo ka...

Qaraxyo Mataano ah Oo lagu laayay Ciidamo katirsan PS-ta Dowladda Oo ka dhacay Duleedka Muqdisho.

Ciidamo katirsan dowladda federaalka gaar ahaan kuwa PS-ta ee hoostaga Reer galbeedka ayaa saaka qaraxyo mataano ah waxaa lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadaas kasoo gaaray khasaare farabadan.

Qaraxyada oo ahaa kuwa lagu aaso dhulka ayaa gallaaftay nolosha ciidamo badan oo katirsanaa kuwa la magac baxay “Xasillinta Muqdisho” waxaana jugtooda si weyn looga maqlay Ceelasha biyahah oo ah halka ay ka dheceen qaraxyada iyo deegaannada u dhow.

9 Askari ayaa la xaqiijiyay iney dhinteen, halka 7 kalana ay dhaawacmeen, waxaana jira dhaawacyo qaar oo garaab ah kuwaas oo loo badinayo in saacadaha soo socoda ay u dhintaan dhaawacyada.

Muda kadib markii qaraxyadu dheceen waxaa goobta soo gaaray ciidamo katirsan dowladda, kuwaas oo uruuriyay hilbaha askarta ku dhintay qaraxa, islamarkaana qaaday dhaawacyada kuwa kale.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhisay howlgallada ay ku beegsaneyso ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa sida dhow u hoostaga Maraykanka, waxaana dhawaan ay ahayd markii qarax miino lala  eegtay gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan PS-ta, kaas oo marayay duleedka degmada Walla-weyn ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana ku dhintay 10 Askari.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular