Iyadoo maalintii Isniinta, dowladda Maraykanka ay si buuxda safaaradii ay ku lahayd magaalada Talla’biib ugu soo wareejisay magaalada barakeysan ee Al-Qudus, ayaa dowladii labaad oo tallaabadaas ku raaceysa Maraykanka waxay iyaduna qaadatay go’aan kaa lamid ah.
Dowladda Guwatamela oo kamid ah dowladaha dhaca qaaradda Laatin Ameerica ayaa maanta oo Arbaco ah waxay safaaradeedii ay ku lahayd magaalada Talla’biib usoo wareejisay magaalada Al-Qudus.
Diblumaasiyiin ka socoda dowladda Guwatamala ayaa kaqeyb galay furitaanka safaaradda, waxaana aad usoo dhaweeyay maamulka Yahuudda oo arintan u arka guul taariikhi ah.
Dhawaan markii Maraykanku go’aankaas qaatay kadib waxaa magaalada Qazza iyo inbadan oo kamid ah wadamada muslimiinta ka dhacay bananabaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo go’aanka Trump.
Ciidamada Yahuudda oo heegan ahaa ayaana gumaad kula kacay jamaahiir muslimiin ah oo soo dhoobtay siliga kala qeybiya Qazza iyo dhulka Yahuudu xooga ku heystaan, waxaana tirada shuhadad ay gaartay kudhowad 60 ruux, halka kumanaan kalana ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Dowladaha Carbeed iyo kuwa caalamka Islaamka ayaana wax jawaab ah ka bixin tallaabooyinkan, waxaana muuqaneysa in xitaa ay go’aansadeen iney iska dhaafaan cambaareyntii ay mararkii hore sameyn jireen.