Fiidnimadii xalay ayaa qarax aad u culus waxaa uu mar qura ruxay isku imaatin ay ku sugnaayeen saraakiil iyo askar katirsan maamulka degmada Walla-weyn ee koonfur galbeed.
Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa gallaaftay nolosha saraakiil iyo askar badan oo katirsan dowladda, waxaana jira dhaawacyo kale oo aad u farabadan.
Madixii Maaliyadda maamulka Wallaweyn oo lagu magacaabo Hurdaaye iyo 10 askari oo kale ayaa ku dhintay qaraxa xalay ka dhacay Wallaweyn oo ahaa mid aad u xoogan, waxaana dhaawac noqday 7 askari, kuwaas oo loola cararay isbitaal saldhiga Ballidoogle ku leeyihiin ciidamada Maraykanka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ay ku le’deen askarta badan.