HomeAll newsKudhowaad 40 Ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday wadanka Barma.

Kudhowaad 40 Ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday wadanka Barma.

Sida uu sheegay sarkaal katirsan ciidamada xukuumadda Miyanmar oo la hadlay wakaaladda wararka ee Faransiiska, 19 ruux ayaa ku dhintay dagaallo culus oo ka dhacay wuqooyiga wadankaas.

Dagaallada oo ahaa kuwa xoogan, laguna qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada xukuumadda Miyanmar ayaa lasoo sheegayaa inuu sababay khasaare kala duwan, waxaana marka laga soot ago dhimashada oo gaareysa 19 ruux  jira dhaawacyo gaaraya 20.

Afhayeen u hadlay koox hubeysan oo lagu magacaabo  May Ike ayaa sheegay in la weeraray saddex saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda Miyanmar, oo ku kala yaala magaalada Miyooz iyo buundo isku xirta magaalooyinka Laashiyo iyo Miyooz.

Ciidamada xukuumadda Miyanmar ayaa wuqooyiga wadankaas waxay ka wadaan gabood fallo naxdin leh oo ay ku hayaan muslimiinta, waxaana la sheegayaa iney burburiyaan tuullooyin ay degnaayeen dadka muslimiinta, si aan loo arkin raadadka gumaadkii ay geysteen, maadaama lagu wado in wadankaas ay gaaraan hay’ado sheegta xuquuqda Insaanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular