Iyadoo dhawaan Imaarad Islaamiga ee Afqaanistaan ay ku dhawaaqday howlgalka cusub ee xilliga Guga, kaas oo sanadkan loogu magacdaray howlgalka Al-khandaq, ayaa waxaa si isku mid ah uga socoda gobollada dalka Afqaanistaan howlgalkaas.
Ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan guutooyinkooda kala gedisan ayaa ka qeybgalaya howlgallada, waxaana tan iyo markii lagu dhawaaqay dhacay howlgallo dhowr ah oo isugu jira weeraro toos ah, dilal qorsheysan iyo qaraxyo waaweyn.
Gobolka Kabiisa waxaa uu kamid yahay gobollada marti geliyay howlgallada horudhac ah camaliyaatka Alkhandaq, waxaana lagu dilay ciidamo katirsan dowladda Maraykanka iyo kuwa xukuumadda Kaabul.
Kadib dagaallo xoogan oo dhexmaray ciidamada Imaarada iyo kuwa Maraykanka ayay mujaahidiintu waxay ku dileen 6 askari oo Maraykan ah iyo 7 katirsan xukuumadda Kaabul, waxaana lagu dhaawacay 8 askari oo Ameerikaan ah iyo 9 kale oo katirsan malleeshiyaadka Xukuumadda Kaabul.
Dagaalladan lagu dhiig bixyay shisheeyaha kadib, waxaa saaka ciidamada Maraykanka iyo kuwa xukuumadda taagta daran ee Kaabul ay isaga carareeen gebi ahaanba magaalada Tajaab ee gobolka Kabiisa.
Ciidamada Maraykanka ayaa iyagoo baxsad ah waxay ka guureen gebi ahaan magaalada, waxaana arintan ay timid kadib markii dagaallo adag oo dhexmaray Maraykanka iyo ciidamada Dhaalibaan dhiig bax daran lagu gaarsiiyay Shisheeyaha.
Inkastoo howlgalka Al-khandaq yahay mid mardhow lagu dhawaaqay hadana mirihiisa waa kuwa muuqda, waxaana lafilayaa inuu noqdo howlgal dhiig bixiya Shisheeyaha noocyadooda kala duwan ee duulaanka gardarada ah ku jooga Afqaanistaan.