Wararka naga soo gaaraya magaalada Buula-Mareer ayaa xaqiijinaya in qarax culus lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa bartamaha magaalada.
Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa ka kacay goob ay fadhiistaan ciidamada dowladda, islamarkaana u ah Isbaaro ay ku baadaan dadka iyo gawaarida rakaabka ah.
Ugu yaraan 3 Askari ayaa ku dhintay qaraxa, oo uu ku jiro taliyihii Isbaarada ee ciidamada dowladda, waxaana ku dhaawacmey 4 kale.
Qaraxyada lagu beegsanayo Askarta iyo ciidamada dowladda ayaa maalmahan soo badanaya, waxaana qarixii Buula-Mareer uu imaanayaa xilli gelinkii dambe ee shalay deegaanka Ceelasha qaraxyo mataano ah lagula eegtay ciidamo katirsan PS-ta dowladda, kuwaas oo waxyeelo adag ay gaartay, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday 17 askari.