Magaalada Ad-dahraan ee dhacda bariga dhulka Xarameynka waxaa ku qaboosamey kulanka golaha Jaamacadda Carabta, kaas oo ay kasoo qeybgaleen madaxda dowladaha xubnaha ka ah golahan.
Ajandayaal kala duwan ayaa looga hadlay kulanka oo aan waqti dheer qaadanin, waxaana goobjoog ahaa waayeelka magac uyaalka ah ee maamula dhulka Xarameynka ninka lagu magacaabo boqor Salmaan.
Kulankan oo aan marnaba lagu soo hadalqaadin khilaafka sanadka ku dhow ee u dhexeeya dowladaha khaliijka carabta ayaa qodobada kasoo baxay waxaa lagu weeraray dowladda shiicada ah ee Iiraan.
Bayaanka uu goluhu soo saaray waxaa lagu sheegay in dowladda Iiraan ay taageerto malleeshiyaadka shiicada ah, ayna ka codsanayaan iney tallaabadaas joojiyaan.
Dowladda Iiraan oo war soo saartay ayaa sheegtay iney wax kama jiraan yihiin eedeymaha loo soo jeediyay, waxayna sheegtay in dowladaha kulankaas ka qeybgalay ay ku saamoobeen hadallada maamulka Aala-Sucuud.
Amiirka dowladda Qadar ayaanan ka qeyb gelin kulanka Jaamacadda Carabta, waxaase dowladda Qadar wakiil ka ahaa ninka u fadhiya Jaamacadda Carabta.
Shucuubta muslimiinta ee carbeed ee isticmaala baraha Internetka ayaa weerar afka ah waxay ku qaadeen Jaamacadda Carabta, iyagoona sheegay in mar weliba oo ay kulmaan qodobada ay soo saaraan yihiin oo keliya kuwa cabasho iyo taah ah, kana fog go’aan qaadasho iyo in si dhab ah loo wajaho dhibaatooyinka heysta wadamada muslimiinta.