Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ee looga arrimiyo shacabka Maraykanka ayuu Donald Trump, madaxweynaha dalka Maraykanka wuxuu mar kale shaaca ka qaaday inuu doonayo in ciidamadiisa kala soo baxo dalka Suuriya.
Trump wuxuu sheegay in inta ugu badan waxyaabihii ay ciidankiisu u tageen Suuriya ay ka guul gaareen, markanna uu doonayo in ciidankiisa ay kusoo laabtaan dalkooda.
Donald Trump ayaa sheegay in joogitaanka ciidankiisa wixii xilligan ka dambeeya ay dani ugu jirto dowlado kale, taasna aysan macquul ahayn.
Kahor inta aanu warka ka bixin ayuu Trump sheegay in maamulka Aala-Sucuud ay aad u doonayaan in ciidamada Maraykanka ay sii joogaan wadanka Suuriya, wuxuuna sheegay in haddii ay arintaas doonayaan ay waajib ku tahay iney bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya ciidamada Maraykanka ee Suuriya jooga.