HomeAll newsRueters: Hubkii Laga qaatay Xerada Imaaraatka, Waxaa Lagu Iibiyaa Suuqyada Muqdisho.

Rueters: Hubkii Laga qaatay Xerada Imaaraatka, Waxaa Lagu Iibiyaa Suuqyada Muqdisho.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahisay warbixin ay ku xaqiijineyso in xeradii Imaaraatka uu ku tababarayay ciidamo katirsan dowladda la qaatay hubkii yaalay, islamarkaana lagu kala iibsanayo suuqyada magaalada Muqdisho.

Wakaaladda ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 600 oo Qori oo nooca AK Kalashinkov ah laga qaatay xerada uu Imaaraatku ku lahaa magaalada Muqdisho, kuwaasoo haatan iyagoo aad u sicir jaban lagu kala gadanayo suuqyo ku yaalo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Askar katirsan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwii wax ka qaatay hubkaas yaalay xerada Imaaraatka ee Muqdisho ayaa la hadlay wakaaladda Reuters, waxayna u xaqiijiyeen in inta badan hubkii yaalay halkaas la kala qaatay.

Qoriyaasha laga qaatay xerada oo dhamaantooda ahaa kuwa cusub oo baakad ah ayaa midkiiba waxaa hadda la iibiyaa $700, halka qoriga caadiga ah uu horey qiimaha ahaan lagu kala gadanayay $1350.

Saraakiil katirsan wasaaradda gaashandhiga ee dowladda federaalka ayaa diiday iney wax jawaab ah ka bixiyaan arintan, iyadoona sidoo kale saraakiisha Imaaraatka ay dhankooda ka gaabsadeen iney wax tacliiq ah ka dhiibaan wararka la xiriira in hubkii yaalay xerada ay banneeyeen lagu kala iibsanayo Muqdisho.

“Maalinta ugu wanaagsan ee la ganacsado waa marka dowladda dhexdeeda uu jiro khilaafaat” waxaa sidaas yiri nin lagu magacaabo Xassan Abuuja oo la hadlay Reuters, kana tirsan dadka hubka ka ganacsada.

Dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo iyo Imaaraatka ayaa khilaafaat xoogan uu soo kala dhexgalay, kadib markii ciidamada dowladda ay la wareegeen malaayiin doollar oo saarneyd diyaarad laga leeyahay Imaaraatka, oo kusoo degatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Imaaraatka oo tallaabadaas ka xanaaqsan ayaa 15-kii April waxay sheegeen iney gebi ahaanba joojiyeen howshii ay ka wadeen Soomaaliya ee ahayd tababarista ciidamada dowladda, waxaana wixii markaas ka dambeeyey sii kordhay khilaafka iyo mug mugdiga u dhexeeya Abuu Dubai iyo maamulka Farmaajo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular