HomeAll newsKudhowaad 20 Askari Oo ku dhintay Qaraxyo Ruxay Muqdisho.

Kudhowaad 20 Askari Oo ku dhintay Qaraxyo Ruxay Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxay ku waramayaan in labo qarax oo waaweyn ay ruxeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxyada waxay ka dheceen baro kontoroollo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa sirdoonka, oo ku yaala nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Warar horudhac ah oo aan heleyno waxay xaqiijinayaan in inkabadan 18 askari oo katirsan ciidamada sirdoonka dowladda ay ku dhinteen qaraxyadan, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaas ka bato.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular