HomeAll newsKudhowaad 10 Askari oo katirsan maamulka Jubbaland Oo lagu dilay Kamiin.

Kudhowaad 10 Askari oo katirsan maamulka Jubbaland Oo lagu dilay Kamiin.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah waxay u dhigeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland oo kamid ah maamullada Shisheeyuhu ka dhiseen Soomaaliya.

Kamiinka wuxuu ka dhacay nawaaxiga magaalada Dhoobley oo dhacda xuduud beenaatka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana lagu dilay ciidamo badan oo katirsan maamulka Axmed Madoobe.

Ugu yaraan 8 askari ayaa naloo xaqiijiyay in lagu dilay dagaalkaas, halka sidoo kale lagu gubay gaari nooca ay Soomaalidu u taqaan Cabdi bilaha.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad milliteri, oo ay kala wareegeen ciidamada ay halkaas kula dagaallameen, waxaana jabkii  gaaray ciidamada Jubbaland laga hadal hayaa Dhoobley iyo Kismaayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular