HomeAll newsInkabadan 100 Ruux Oo Arday iyo Macallimiin Isugu jira oo dhimasho iyo...

Inkabadan 100 Ruux Oo Arday iyo Macallimiin Isugu jira oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Duqeyn Afqaanistaan ka dhacday.

Diyaaradaha Isbaheysiga Maraykanku hogaamiyo ee duulaanka ku qaaday dalka muslimka ah ee Afqaanistaan ayaa duqeyn wuxuushnimo ah waxay ka geysteen xarunta machad islaami ah oo ku taalla gudaha wadankaas.

Duqeyntan oo nooceeda weli la cadeyn ayaa beegsatay madarasada Haashimiyah Cumariyah ee gobolka Qunduuz, xilli madarasada ay ka socotay xaflad lagu  maamusayay Ardey dhameystay xifdinta Qur’aanka kariimka.

150 Ruux oo isugu jira macallimiin, Ardey, Culimo, waalidiin iyo marti sharaf kale oo  ku sugnaa xafladda ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeyntan cadowtooyo ee wuxuushnimada ah.

Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa war ay soo saartay waxay uga tacsiyeysay guud ahaan umadda muslimka ah gaar ahaan ehellada iyo qaraabada dadka ku shahiiday gumaadkaas cadowtooyo.

Isbaheysiga uu hogaamiyo Maraykanka ee Afqaanistaan jooga tan iyo sanadkii 20o1-da ayaa wada gumaad bahalnimo ah oo ka dhan ah muslimiinta Afqaanistaan, waxaana muuqaneysa inaaney kala sooceyn shacab iyo Mujaahid, maadaama labadaba ay yihiin dad Muslimiin ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular