Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan, ee uu amiirka u yahay Mowlawi Heybatullaah ayaa ku dhawaaqday howlgalka cusub ee sanad kasta marka la gaaro Guga ay ku dhawaaqdo Imaarada.
Howlgalka cusub, waxaa sanadkan loogu magacdaray Al-Khandaq, wuxuuna si isku mid ah uga billaaban doonaa guud ahaan gobollada iyo degmooyinka uu ka koobanyahay wadanka Afqaanistaan.
War kasoo baxay Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa lagu sheegay in sababo badan oo jira awgeed, oo ay ugu weyntahay in weli dalka Afqaanistaan uu ku jiro gumeysiga Maraykanka ay Imaaradu ugu dhawaaqday howlgalka Al-Khandaq.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in Mujaahidiintu ay howlgalkooda ugu bixiyaan magacaas, iyagoo tafaa’ulaya, rajeynayana in xaaladooda ay aad u shabahdo markii Muslimiinta lagu go’doomiyay magaalada Madiinatul Munawara.
Mas’uuliyiinta Lajnada caskariga ee Imaarada ayuu bayaanku sheegay iney dejiyeen istiraatiijiyada howlgalkan cusub, waxaana la sheegay iney jiri doonaan taktiikaat aad uga duwan kuwii hore oo sir ah, laguna arki doono fagaarayaasha dagaalka.
Ahdaafta koowaad ee uu howlgalku beegsan doono ayaa lagu sheegay iney yihiin Maraykanka iyo sirdoonka Xukuumadda Kaabul, waxaana kaalinta labaad ku jira cid weliba oo gacan siisay gumeystaha Maraykanka ee kusoo duulay Afqaanistaan.
Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan waxay rageeda u jeedisay talooyin dhowr ah, ka hor inta uusan billaaban howlgalka, waxaana ugu horreeya iney ogaadaan in Jihaadkooda uu yahay mid lagu sara yeelayo kalimadda Allaah, iyagoo lagu baraarujiyay iney ka taxadaraan oo ay aad isaga ilaaliyaan dhiiga iyo hantida dadka muslimiinta.
Tawaaduca, Ikhlaaska, iyo Tawakulka ayaa kamid ah talooyinka ay Imaaradu siisay rageeda, si ay u helaan ballanqaadka Allah ee ah guul iyo gacanta sarreysa.
Markii uu soo baxay bayaanka, waxay Imaarada Islaamiga baraha Internetka ku baahisay sawirrada ciidamo si gaar ah u tababaran oo ku sugan mucaskaraatka Mujaahidiinta, kuwaas oo noqon doona ragga fulin doono howlgalka cusub ee lagu dhawaaqay.
Sanadkii hore waxaa dalka Afqaanistaan ka socoday howlgalka Al-mansuuriyah, oo loogu magacdaray amiirkii hore ee Dhaalibaan oo ku dhintay duqeyn ay la beegsadeen diyaaradaha Maraykanka, waxaana howlgalkaas ku dhintay, kuna dhaawacmey kumanaan askari oo katirsan Shisheeyaha iyo xukuumadda Kaabul.
(Xanax)