
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa barqanimadii maanta waxay howlgallo waaweyn oo culus ku qaadeen fariisimiyaal ciidamada shisheeyaha gaar ahaan kuwa Yugaandha ku lahaayeen magaalada Buula-mareer iyo deegaanka Golweyn oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaallada oo ahaa kuwa culus, laguna daah furay camaliyaad istish-haadi ah oo ay fuliyeen naftooda huriyaal katirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xasuuq daran waxaa loogu geystay ciidamada AMISOM.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Alfurqaan waxay xaqiijinayaan in ugu yaraan 59 Askari looga dilay ciidamada Yugaandha howlgallada lagu qaaday labada saldhig ee ay kaga sugnaayeen Buula-Mareer iyo Golweyn.
Howlgalkan ballaaran oo aan weli la ogeyn inuu soo gebegeboobay iyo in kale ayaa waxaa suuragal ah in khasaaraha loo geystay Shisheeyaha uu marba marka kasii dambeysa sii kordho, waxaana Akhristayaasheena usoo gudbin doonnaa hadba macluumada nasoo gaarta Inshaa’Allah.