HomeAll newsDiyaaradaha Maraykanka Oo Haweeney iyo Labo Ruux oo kale Ku dilay Gobolka...

Diyaaradaha Maraykanka Oo Haweeney iyo Labo Ruux oo kale Ku dilay Gobolka Galgaduud.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulkeena Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday meel u dhow magaalada Ceel-buur lagu dilay Dad Shacab ah.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa si ula kac ah waxay u beegsadeen gaari ay wateen dad shacab ah oo marayay deegaanka Dac oo qiyaastii 20Km u jirta magaalada  Ceelbuur.

Ugu yaraan 3 Ruux oo haweeney ay ku jirto ayaa duqeyntan ku dhintay, waxaana labada Ruux ee ragga ah ay kamid ahaayeen Nabadoonnada iyo Abwaannada caanka ah gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Nabadoon Cali Hareed oo kamid ah waxgaradka iyo Odoyaasha beesha Murusade, iyo Abwaan Yuusuf Dhagay oo ah abwaan soomaaliyeed oo caan ah ayaa saarnaa gaariga la duqeeyay, waxaana halkaas ku geeriyooday labadooda iyo haweeney xanuunsaneyd oo loo waday goobaha wax lagu daweeyo ee Isbitaallada.

Shacabka muslimka ah ee ku nool Galgaduud ayaa aad u hadal haya duqeyntan wuxuushnimo ee lagu laayay waxgaradkan oo dhacday gelinkii dambe ee shalay, waxaana ay ku daba feyleysaa duqeyntan duqeymo hore oo diyaaradaha Maraykanka iyo ciidankiisu ku laayeen shacab Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular