HomeAll newsSheekh Cali Dheere: Saacad kasta waxaad filataan Camaliyaad Istish-haadi ah.(Dhagayso)

Sheekh Cali Dheere: Saacad kasta waxaad filataan Camaliyaad Istish-haadi ah.(Dhagayso)

Sheekh Cali Dheere; Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo goordhow qabtay shir jaraa’id ayaa faafahiyay howlgalladii ballaarnaa ee maanta ciidamada Mujaahidiinta ay ka fuliyeen qeybo kamid ah Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellaha hoose.

Sheekh Cali  Dheere ayaa xaqiijiyay in aroornimadii hore ee saaka ay ciidamada Mujaahidiintu qaadeen howlgallo ballaaran oo ka dhan ah ciidamada  Shisheeyaha duulaanka ku jooga Shabeellaha hoose, waxaana meelaha ay Mujaahidiintu ku fara saareen Shisheeyaha, Sheekhana uu sheegay kamid ah Buula-Mareer, Golweyn, Mashallaay, Marin-Gubaay iyo meelo kale.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu intaa ku daray in inqimaasiyiin iyo Istish-haadiyiin katirsan Mujaahidiinta ay u daateen saldhigyada Shisheeyaha ee Buula-Mareer, halkaasna ay ku dileen tiro aad u farabadan.

“Khasaaraha horudhaca ah ee ay inoo soo gudbiyaan raggii howlgalka fuliyay waxay gaareysaa dhimashada 59 Askari oo gaal ah, waxaana laga yaabaa iney sii kordhaan” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Dhanka Mujaahidiinta wuxuu sheegay Sheekha iney ka shahiideen 14 Mujaahid, kuwaas oo uu sheegay in saldhiga Shisheeyaha ay iqtixaameen, markii ay galayeenna isku dhaarsadeen inaaney dib usoo laabanin.

Ugu dambeyn wuxuu Sheekhu u duceeyey raggii fuliyay howlgalka, isagoona dhanka kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney sii xoojiyaan ka qeybqaadashada dagaallada jihaadka ee socoda, si dalka looga saaro Shisheeyaha duulaanka ah.

Halkan ka dhagayso Sheekh Cali Dheere Oo Faafaahiyay howlgalladii waaweynaa ee  Maanta ka dhacay Shabeellaha Hoose

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular