HomeAll newsDeegaan dhaca Jubbooyinka Oo Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab La wareegeen, iyo Sarkaal Booliis...

Deegaan dhaca Jubbooyinka Oo Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab La wareegeen, iyo Sarkaal Booliis oo Muqdisho lagu dilay.

Ciidamada Jabhadda wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaa habeenkii xalay waxay weerar culus ku qaadeen deegaanka Qooqaani oo hoosyimaada degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, kuna suganyihiin ciidama Kenyaati ah.

Dagaalka oo ahaa mid culus, in muda ahna socoday wuxuu si toos ah u dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ku sugnaa gudaha deegaanka, markii dambe oo ay ku adkaatay rasaastana waxay u carareen saldhiga ciidamada Kenyaatiga ku leeyihiin nawaaxiga deegaanka Qooqaani.

Dadka deegaanka waxay xaqiijiyeen in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay goob fagaare ah kula hadleen dadka deegaanka, islamarkaana ay sidoo kale gubeen saldhiga ciidamada ee Qowqaani.

Kadib saacado ay magaalada maamulayeen, waxay Mujaahidiinta dib ugu laabteen halkii ay kasoo duulaan tageen.

Dhanka kale magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xalay lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada Booliiska dowladda.

Sarkaal magaciisa lagu magacaabo Axmed Nuur Ciise oo caan ku ahaa “Haloo-yeelo” ayaa rag hubeysan waxay ku toogteen degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular