
Muuqaal lagu baahiyay barta Internetka ayaa muujinaya iyadoo muwaadin Ameerikaan gaal ah uu feer la dhacayo gabar muxajabad muslimad ah, oo joogtay isbitaal lagu daweeyo dadka oo ku yaala gudaha dalka Maraykanka.
Gabadaha muslimadda ah oo xanuusaneyd ayaa waxay baaritaan u tagtay isbitaalka Booment ee ku yaala magaalada Dearborn ee gobolka Michigan ee wadankaasi Maraykanka.
Muuqaalka oo ay duubeen kaamaradaha ku xirnaa Isbitaalka ayaa muujinaya iyadoo gabadha ay taagantahay xafiiska isbitaalka, waxaana dhanka gadaal uga imaanaya gaal waayeel ah oo da’diisa lagu sheegay 57 sano jir, kaas oo durba feer iyo garaacis ku billaabaya gabadha.
Dhowr ruux oo joogtay isbitaalka ayaa soo cararay, kuwaas oo ka qabtay ninkan gabadha uu dilayay.
Tallaabadan ayaa kamid ah waxyaabaha muujinaya cunsuriyadda shacabka Maraykanka iyo nacaybka uu u qabo jaaliyadaha Muslimiinta ee wadankaas jooga iyo kuwa kale ee qaatay Islaamka ee kamidka ah shacabka Maraykanka.