HomeAll newsCiidamada Shisheeyaha Oo Isaga baxay Deegaan Istiraatiiji ah Oo Shabeellaha Dhexe katirsan.

Ciidamada Shisheeyaha Oo Isaga baxay Deegaan Istiraatiiji ah Oo Shabeellaha Dhexe katirsan.

Deegaanka Cali-Fooldheere wuxuu hoosyimaada degmada Mahadaay.

War kusoo dhacay warqabadka Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in ciidamada shisheeyaha Burundi ay goordhow isaga baxeen deegaanka Cali-Fooldheere ee hoostaga Mahadaay gobolka Shabeellaha dhexe.

Dad goobjoogayaal ah waxay u xaqiijiyeen Al-Furqaan in ciidamada Burundi ay saaka gebi ahaanba ka carareen deegaanka, islamarkaana ay gubeen difaacyadii ay ku lahaayeen halkaas.

Boqollaal ruux oo katirsan dadka deeganka ayaa iyagoo faraxsan waxay ku suganyihiin difaacyadii ciidamada Shisheeyaha isaga carareen, waxaana dadka ay aad ugu faraxsanyihiin xurnimada ay gaareen.

Gobolka Shabeellaha dhexe qeybo kamid ah waxaa duulaan qaawan ku jooga ciidamada Shisheeyaha gaar ahaan kuwa Burundi, waxaana ay si joogta ah ula kulmaan dagaallo iyo weeraro aad loogu dhiig bixiyay.

Weerarkii ugu weynaa, uguna dambeeyey wuxuu ahaa midkii horaantii bishii hore ee Marso ku qabsaday ciidamada Burundi inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar, kaas oo looga dilay inkabadan 20 askari, loogana qabsaday tobaneeyo gawaari gaashaman ah.

 

(billboardtarps.com)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular