Waxaa weli halkiisa kasii socoda barakicinta qasabka ah ee lagu sameeyey dadka muslimiinta ah ee dega Quudhada bari, kuwaas oo intooda ugu badan soo gaaray deegaannada iyo degmooyinka gobollada Idlib iyo Xammaah ee xurta ah.
Magaalada Duuma oo ahayd halka keliya ee ay ku harsanaayeen dadka muslimiinta, islamarkaana ay maamuleysay koox kamid ah mucaaradka ayaa lagu soo waramayaa in heshiis cusub oo dhexmaray Ruushka iyo kooxdaas maamusha magaalada uu horseeday in dadka dhaawacyada ah laga soo saaro magaalada.
Dowladda Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in xabad joojin kumeel gaar ah ay la gaartay dagaalyahannada kacdoonka eek u sugan magaalada Duuma.
Wadahadallada ayaa weli socoda, waxaana la odorasayaa in ugu dambeyn ay kasoo bixi doonaan in dadka shacabka ah laga barakiciyo guryahooda, magaaladana lagu wareejiyo Nidaamka nuseyriyada Bashaar Al-Asad.
Inkabadan 30 kun oo ruux ayaa tan iyo todobaadkii hore waxay soo gaareen gobollada xurta ah ee wuqooyiga Suuriya, kuwaas oo laga soo barakiciyay deegaannada Quudhada bari.