Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Baarlamaanka Itoobiya ayay codka kalsoonida ah ku siiyeen Abiye Axmed oo dhawaan loo doortay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, kadib markii xilkaas uu iska casilay ra’iisul wasaarihii hore Xeyla Maryan Decceline.
Kulanka Baarlamaanka Itoobiya oo ay soo xaadireen 478 xillibaan ayay codka kalsoonida ah ku siiyeen Abiye Axmed, waxaana uu sidaas ku noqday ra’iisul wasaaraha wadankaas.
Abiye Axmed ayaa markii codka kalsoonida la siiyay kadib wuxuu gutay dhaarta dastuurka Itoobiya, oo la marsiiyo shakhsiga qabanaya xilkaas.
Abiye Axmed waa 41 jir ku abtirsada qowmiyadda muslimiinta Oromada, waxaana muuqata in xilkan maqaarka saarka ah loogu dhiibay si loogu khaldo Muslimiinta, islamarkaana u joojiyaan banaanbaxyada ay dhigayaan.