
Seyful Islaam Al-Qadaafi oo kamid ah wiilasha uu dhalay kaligii taliyihii hore ee Liibiya Mucammar Al-Qadaafi ayaa shaaca ka qaaday markii ugu horeysay inuu u tartamayo doorashooyinka madaxtinimada wadanka Liibiya.
Ayman Buuraas oo ku hadlay magaca Seyful Islaam, isagoo jooga wadanka Tuunis ayaa sheegay in ina Qadaafi uu yahay qof xur ah, islamarkaana ku sugan gudaha dalka Liibiya, uuna go’aansaday inuu ka qeybgalo doorashooyinka soo socoda.
Wuxuu intaa ku daray Ayman in Seyful Islaam uu dhawaan si toos ah ula hadli doono warbaahinta, si uu shacabka Liibiya ugu sharaxo aragtidiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu hiigsanayo.
Dhowr bilood kahor ayaa ninkan uu dhalay Qadaafi waxa uu helay xurriyadiisa, waxaana intaa dheer in maxkamadda waxa loogu yeero dembiyada Aduunka ay horey u amartay in jeelka lasoo dhibo Seyful Islaam.
Seyful Islaam ayaa ah dembiile weyn oo Aabihii kala qeybgalay gumaadka lagula kacay muslimiinta Liibiya, waxaana la yaab leh in dhowr sano kadib geeridii aabihii uu ninkan si cad u sheego inuu rabo inuu ku fadhiisto kursigii uu aabihii ku fadhiyay.