Mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulada Koofur galbeed iyo Hir-shabelle ayaa lagu dilay qarax galabta lagula beegsaday nawaaxiga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose.
Mas’uuliyiintan oo kala ahaa Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga ee K/galbeed iyo xildhibaan ka tirsan Hir-shabelle oo ku lug lahaa weerarkii Jameeco Jiliyaale ayaa qaraxa waxaa lala beegsaday xilli ay saarnaayeen gaari kana soo bexeen shir ka dhacayay xerada Balli-doogle, shirkaasoo looga arrinsanayay sidii loo furi lahaa wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo oo ay maristeeda ku adkaatay Amisom iyo maamulada taabacsan.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda aminiga K/galbeed oo la oran jiray C/qaadir C/raxmaan kuna magac dheeraa Baraf iyo xildhibaanka oo loo soo xil saaray abaabulka ciidamada si lo furo wadada ayaa la xaqiijiyay in iyaga iyo labo istaaf ah ay ku dhinteen qaraxa.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka qaraxa ah ee lagu dilay labadan mas’uul. “Mujaahidiinta ayaa maanta gelinkii dambe qarax ka dilay saraakiil katirsan Murtadiinta oo garoonka Balidoogle kasoo abaabulay weerarkii lagu qaaday deegaanka Jamaaco Jilyaale,alle ayaa ku mahadsan nagu guuleeyay howlgalkan Barakeysan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Labadan nin ayaa si aad ah loogu xusuustaa iney dowr weyn ka qaateen weerarkii uu Mareykanku ku qaaday machad ku yaalla degaanka Jameeco Jiliyaale halkaasoo ay ku dileen shan caruur ah iyo macallinkoodii kuna qafaasheen arday kale oo illaa iyo hadda gacantooda ku maqan. Haddana waxay mareykanka iyo Amisom la abaabulayeen weeraro kale.